Liibaan-shuluq oo loo doortay madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug.

Thursday October 22, 2026 - 16:22:43
MeMO Staff
Liibaan Axmed Xasan oo ku magac-dheer Liibaan-shuluq ayaa xildhibaannada ashahaado-la-dirirka Galmudug ay gelinkii hore ee maanta u doorteen hogaamiyaha cusub ee maamulkaasi.
Liibaan, oo u tartamayay xisbiga Xasan Sheekh ee JSP, ayaa sida dadka loo sheegay, ka guulaystay musharraxiin kale oo tartanka doorasho-ku-sheegtan kala qayb-qaatay.

Doorashadan ayaa timid kaddib markii Maxkamadda Sare ee Villa Soomaaliya ay burisay doorashadii baarlamaanka Galmudug ee 30-kii Luulyo. Iyadoo 30-kii Sebteembar dib loo qabtay.

Siyaasiyiin mucaaradka ee aadka isku hayaan Gurguurte ayaa si weyn ugu soo hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee Galmudug, arrintaas oo dhalisay su’aalo badan.

Liibaan Shuluq ayaa xilka kala wareegaya horjoogihii hore ee maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye oo ku magac-dheer Qoor-qoor, kaas oo talada maamulkaasi hayay muddo ku dhow 6 sano.

Related Items

Update cookies preferences